Muqdisho,(insidesomalia.org)-Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa canbaareeyaay howlagalada ay Maamulka Gobolka Banaadir ku bur burinayaan dhismayaal ku yaala Degmada Cabdi Asiis ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo Saxaafada uwaramayey ayaa waxaa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir in ay joojiyaan bur burinta ay ku hayaan guryaha dadka rayidka ah, isla markaana ay faraha kala baxaan guryahaasi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku shegay in ay yihiin kuwo sharci daro ah.
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Golohooda uu falkasi canbaareeynayo, isla markana aan habooneeyn in dad rayid ah laga kiciyo guryahooda, waxaana uu arintaasi ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay barakicinta lagu hayo dadka shacabka ah oo uu sheegay in horay looga barakiciyay guryahooda, isla markaana dadkani ay halkasi degenaayeen in ka badan 40 sano, qaarkoodna ay ka sii badnaayeen xiliga ay degenaayeen halkaasi waa sida uu hadalka u dhigayee.
Haweeneey da'ah jirtana 75 sano kana mid ah dadka degan xaafada ay Maamulka Gobolka Banaadir bur burinta ay ku hayaan oo saxaafada u warameeysay ayaa sheegatay in halkaasi ay degtay iyadoo 15 sano jirta ay halkaasi soo degeen, taasi oo ka dhigay in 60 sano ay degeneeyd xaafadaasi, isla markaan sheegtay in ay u heeystaan sabar loog sharci ah,mana jirto ayey tiri cid naweydiisay, isla markaan loo adeegsaday xoog sida ay hadalka u dhigtay.
Haweeneeydaasi oo marka ay Saxaafada u warameeysay ay indhaheeda soo buuxiyeen ilmo ayaa waxaa ay cid waliba oo wax ka qaban karta bur burinta lagu hayo gurahooda ee ku yaala Degmada Cabdi Asiis ka cod satay in laga qabto Maamulka Gobolka Banaadir bur burinta uu ku hayo xaafadahooda.
Shalay ayeey aheeyd markii Ciidamo fara badan oo ay hor kacayeen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ay falal bur burin ah kula dhaqaaqen guryaha dadkasi ay degen yihiin, kuwaasi oo sheegay in ay yihiin guryo sharci daro ku dhisan halka dadkaasi ay iyana sheegeen in xaafadahooda ay u heystaan sharci sax ah mana jiraan cid soo kala dhex gashay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadkaasi masaakiinta ah.